Top 7 Money-Making Websites You Can Use with Just a Laptop

Top 7 Website oo Lagu Sameeyo Lacag adigoo Gacanta Ku Haysta Laptop Kaliya 

  Hordhac

 Dunida maanta waxa aad u sii kordhaya shaqooyinka laga qabto online- ka. Qof kasta oo haysta laptop iyo internet, wuxuu heli karaa fursado badan oo uu ku kasbado lacag, isagoo guriga jooga. Maqaalkan waxaan ku eegaynaa 7 website oo caan ah kuwaas oo aad si bilaash ah uga shaqeyn karto si aad u hesho dakhli joogto ah, xitaa haddii aadan khibrad badan lahayn.

 

 1. Fiverr.com – Ku iibso adeegyadooda yaryar 

 ** Fiverr ** waa madal freelancing ah oo lagu iibiyo adeegyo fudud sida tarjumaad, design, qoraal, edit, voice- over iyo waxyaabo kale. Waxa ugu fiican Fiverr waa in aad billaabi karto xitaa adigoo cusub.

 

 Sidee Looga Faa’iidayaa?

 * Samayso account bilaash ah.

 * Ku dar" gig"( adeeg aad bixineyso) sida “ Waxaan kuu tarjumi karaa qoraal Af- Ingiriisi ah. ”

 * Marka dadku dalbadaan adeegaaga, lacag ayaad helaysaa.

 

 Faa’iidooyin

 * Si fudud ayaa loo bilaabi karaa.

 * Waxaad xulan kartaa waxaad jeceshahay.

 * Lacagta waxaa lagu qaataa PayPal ama bank transfer.

 

 2. Upwork.com – Shaqooyin xirfadeed oo kala duwan 


 ** Upwork ** waa meel aad ka heli karto shaqooyin kala duwan qorista, naqshadeynta, coding, suuqgeyn, iyo kuwo kale. Haddii aad leedahay xirfad gaar ah, Upwork waa meel muhiim ah.

 

 Sidee Looga Bilaabaa?

  Samee profile si xirfadeysan.

  Codso shaqooyin( bids) aad ka heshid.

  Marka aad shaqada hesho oo dhamayso, lacag ayaad helaysaa.

 

 Talo

  Isticmaal English wanaagsan.

  Ku dar shaqooyin hore haddii aad leedahay.

 

 3. YouTube.com – Samee content, kasbona dakhli 


 

 YouTube waxa uu kuu ogolaanayaa in aad samayso channel aad ku daabacdo muuqaallo sida casharro, faallooyin, ama vlog. Markaad gaarto 1000 subscribers iyo 4000 saacadood oo la daawaday, waxaad bilaabi kartaa lacag kasbasho.

 

 Talooyin

 * Diyaarso content xiiso leh( waxbarasho, madadaalo, ama motivational).

 * Isticmaal cod fiican iyo muuqaal nadiif ah.

 * Ku xir AdSense si aad lacag uga hesho xayaysiisyada.

 

 4. Medium.com – Qor maqaaladaada, lacag ka samee

 ** Medium ** waa blog weyn oo aad ku qori karto maqaalada aad jeceshahay. Haddii dad badan akhriyaan qoraaladaada, waxaad kasban kartaa dakhli.

 

 Sidee Lacag Loo Helaa?

  Ku biir barnaamijka “ Medium Partner Program. ”

  Qor maqaalada af- Ingiriisi ah.

  Haddii dad akhriyaan oo ku qiimeeyaan, Medium wuxuu ku siinayaa lacag.

 

5. Teespring.com( Springs) – Design samee, iibso dhar 

 

 ** Teespring ** waa website kuu oggolaanaya in aad samayso naqshado( design) oo aad dhigto funaanado, kabo, boorsooyin iwm, adigoon wax lacag ah gelin.

 

 Sida Loo Bilaabo

  Samayso account.

  Ku design garee funaanadyo ama waxyaabo kale.

  Marka dadku iibsadaan, adiga ayaa lacagta helaya.

 

 Maxaa Looga Baahan Yahay?

  Fikir hal- abuur leh.

  Laptop iyo internet oo keliya.

 

 6. Skillshare.com – Baro dadka xirfadda aad taqaanid 

 Haddii aad taqaanid xirfad sida qoraal, naqshadeyn, coding, photography ama wax kale — waxaad Skillshare uga dhigi kartaa koorso.

 

 Sidee Loogu Bilaabaa?

 

  Samayso koorso aad u jeclaan lahayd inaad dadka baro.

  Duub video- ga casharrada.

  Ku xidh koorsada Skillshare.

  Markay dadku daawadaan, Skillshare waxay ku siisaa dakhli bil walba.

 

 7. Freelancer.com  – Tartamo iyo shaqooyin madax bannaan 


Freelancer.com waxa uu kuu ogolaanayaa in aad gasho tartamo ama codsato shaqooyin madax bannaan( freelance).

 

 Maxaa Looga Baahan Yahay?

  Xirfad sida graphic design, video edit, ama programming.

  Inaad si joogto ah u dalbato shaqooyin.

 

 Faa’iidooyinka

  Tartamo badan oo lacag lagu guuleysto.

  Shaqooyin kala duwan oo laga dooran karo.

 

 Gunaanad

  Barashada sida lacag looga helo internet- ka adigoo kaliya haysta laptop iyo xiriir internet, maanta ma ahan arrin adag. Waxaa jira fursado badan oo bilaash ah, taasoo kuu oggolaanaysa in aad si xor ah uga shaqeyso adiga oo gurigaaga jooga. Wixii aad u baahantahay waa ** rabitaan, waqtigaaga, laptop **, iyo inaad barato sida loo bilaabo.

 

 Talooyinka Dahabiga ah

 * Had iyo jeer samee profile fiican.

 * Baro English aasaasi ah si aad u gasho suuqyo waaweyn.

 * Ha ka baqan inaad bilowdo xitaa khibrad la’aan.

Comments

Popular posts from this blog

The Laws and Regulations of Cryptocurrencies: What You Need to Know

“The Key to the Future: How to Learn New Technology Skills”

How to Build an Online Brand on TikTok That Generates Consistent Income?

Artificial Intelligence & Machine Learning

Can You Earn $1,000 a Month with an Affiliate Website? Yes, It’s Possible